Video:-Imaaraadka oo gudoonsiiyay bilad sharafta ugu saraysa dalkaas madaxda Itoobiya iyo Eretereya

Magaalada Abu-Dhabi waxaa maanta ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda, Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea.
 
Dhaxalsugaha Imaaraadda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid,ayaa qasriga madaxtooyada kula kulmay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Afwerki.
 
Sida uu qoray wargeyska The Gulf-News, Bin Bin Zaayid ayaa amaanay heshisika dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia.
 
Dhaxal Sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa abaal marinta ugu sareysa ee dalkaas guddoonsiiyay, labada hogaamiye,isla markaana ku faaney in ay dawlada imaaraadka ay door muhiim ah ka qaadatay Nabada Geeska Afrika.
 
Dawlada imaaraadka ayaa waxaa uga baxay heshiisiiinta labadan dowladood ee itoobiya iyo Eriteriya.dhaqaalo fara badan.
 
Sidoo kale waxaa Dawlada imaaraadka heshiiskan ku garab siiyay Dowladaha Sacuudiga,Maraykanka iyo Israa’iil.
 
Dagaalka salkiisu yahay ganacsiga,ayaa bartilmaameedkiisu yahay ku tartanka marin biyoodka Bada cas,iyadoo ay ku loolama yaan Dowladaha Imaaraadka,Sacuudiga iyo Maraykanka oo dhabarka ka taagan iyo Dowladaha Shiinaha,Turkiga iyo Qadar oo isku dhinac ah.
 
 
Hadaba hoos ka daawo muuqaalka sida uu duhacay kulankaas.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka