Fadeexad kale oo kusoo baxday Madaxweyne Trump

Cajalad sir ah oo laga duubay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laga baahiyay taleefishinka CNN ee dalkaasi, waxayna arrintan sare usii qaadaysaa fadeexadihii markii hore ku furnaa.
 
Cajalka ayaa waxa uu ku saabsanyahay wada sheekeysi dhex maray Trump iyo garyaqaankiisa Micheal Cohen , waxayna ka sheekeysanayeen sidii lacag loo siin lahaa haweenay uu Trump la seexday oo lagu magacaabo Karen McDouga.
 
Waxaa cajalka la duubay sanadkii 2016-kii markii uu Trump u tartamayay xilka madaxweynenimada ee uu markii dambe ku guulaystay.
 
Garyaqaanka hadda ee Trump mudane Rudy Giuliani ayaa sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo la siiyay haweenaydan, cajalkana uusan muujinaynin wax dambi ah oo uu madaxweynaha galay.
 
Cajalka ay baahisay CNN ayaa waxaa la sheegay in uu qeyb ka yahay kuwa ay FBI-da kasoo heshay guriga Cohen xilli loo dhacay.
 
Trump iyo Cohen ma wada shaqeeyaan, dacwado ayaana ku furan Cohen.
 
Warar soo baxay ayaa sheegay in Ms McDougal ay wargeyska National Inquirer ka heshay lacag dhan $150,000 , lacagtaas oo laga siiyay sheekadeeda.
 
Wasaaradda caddaalada ee Maraykanka ayaa baaraysa dacwado la xiriira in lacago la siiyay dumar la seexday Trump, waxayna sheegadan cusub culeeska kusii kordhinaysa madaxweynaha.
 
Karen McDougalwaa haweenay ka mid ah kuwa dharka xayaysiiya, waxayna u shaqayn jirtay majalladda Play Boy, waxayna sheegtay in ay muddo 10 billood ah xiriir la lahayd Mr Trump sanadkii 2006-dii.
 
Waxa ay qisadeeda u sheegtay wargeyska National Enquirer, iyada oo saxiixday heshiis dhan $150,000 , kaas oo gabi ahaanba sheekadan xaq u siinaya wargeyskan in isaga uu yeesho sheekada.
 
Waa isla sheekadan oo aanan la baahinin tan cajalka la duubay uu ku saabsanyahay iyada oo laga wada hadlayo sidii looga gadan lahaa wargeyska, islamarkaasna aanan loo faafin lahayn doorashada ka hor.
 
Micheal Cohen oo ay madaxweynaha aad isugu fiicnaayeen, marka sheegay in xitaa madaxweynaha dartiis uu xabbad isugu dhigi karo ayay hadda aad isugu xunyihiin, wuxuuna sheegay in uu daacad u yahay dalka iyo qoyskiisa oo kaliya.
 
Isaga ayaa la sheegay in uu yahay qofka duubay sheekada Trump ee ku saabsan haweenaydan.
 
Hadaladiisa cusub ayaa loo arkaa in laga yaabo in uu wada shaqayn la yeelan doono baarayaasha,.