JAAMACAD BAAN SHAHAADO AQOONSI SIIYAY IYO MA AQOONSANI AF-QALAAD AHAA !

Waxaa warbaahinta Soomaalida hadal haysaa hadal kasoo yeeray wasiirka wasaaradda waxbaarshada ee dawladda federaalka kaas uu ku tibaaxay in aanay jirin jaamacad ay si buuxda u aqoonsanyihiin wasaarad ahaan ee kaliya ay siiyaan jaamacadaha aqoonsi ay ku sii shaqeeyaan (defacto recognition).

Hadalka wasiir marka dhinac laag eego , waa ka gar oo dalka waxaa ka jira tobanaan jaamacadood o intooda badan ku yaalla Caasimadda Muqdisho ee uu joogo,kuwaas oo in badan oo ka mida aanay buuxin shuruudaha laga doonayo jaamacad iyaga oo ka faa’iidaysanaya awood la’aanta wasaaradaha waxbarashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed. Qaarkood jaamacadahaan iyaga oo la liita shahaadada koowaad ay bilaabeen inay bixiyaan shahaadada labaad (master) iyo 3aad (PhD) intaba .

Waxaase xaqiiq ah in aanu Wasiirka ku saxnayn in uu jaamacadaha oo dhan isku sallad dhigo iyada oo la ogyahay inay jiraan jaamacado soo dadaalay , tayadooda intii awoodooda ah sare u qaaday , sidaasna kumanaan dad ah ku aflixiyay, qaarkoodna ayba u shaqeeyaan wasaaradda uu wasiirla laftigiisa wasiirka ka yahay.

Wasiirka inta aanu badda ku darin jaamacadaha dalka ka jira horta Wasaaradiisa ma leedahay siyaasad iyo xeer rasmi ah oo hagaya maamulka iyo tayada tacliinta sare , mase jirtaa ahdaaaf qoran oo dalwadda federaalka higsanayso marka laga hadlayo nooca tacliinta sare ee dalka u baahanyahay, mise xaalku waa iska laab la kac aan meel jirin.

Ka hor inta aanu isku qaadin jaamacadaha dalka oo dhan ,w axay ahayd in Wasaaradda uu Wasiirka ka yahay ay samayso cilmi baaris buuxda oo ku saabsan tayada tacliinta sare ee dalka , loona qiimeeyo jaamacadaha dalka mid mid , ka dibna halkaas ay kasoo baxdo cidda jaamacad u qalanta iyo cidda aan u qalmin, ka dibna kuwa soo dhaweeyay ama buuxiyay shuruudaha dib u eegis lagu sameeyo oo laftigooa si gaara loo eego mid walbaa meesha ay ku xoogantahay sidaasna loogu amro in jaamacad walbaa bixiso maadooyinka ay aqoon ahaan, khibrad ahaan iyo qalab ahaan ay ka bixi karto , meeshana laga saaro sheekada ah wax kastaa waa dhigis iyo kuliyad walbaa waan bixin karaa.

Wasaaradda Waxbaarshadu ma samayn karto cilmi baarista aan xusnay haddii aanay lafteeda aqoon waxay rabto iyo halka ay u socoto. Si taas ugu cadaatona waa inay leedahay siyaasad guud oo hagta tacliinta sare taas oo dejisa ujeedooyinka qaran ee tacliinta sare , nooca ardayga dalku u baahanyahay, nooca tayada iyo sida lagu gaari karo, halbeegyada lagu cabirayo tayada tacliinta sare iyo hannaanka qiimaynta I.W.M. ). Markas ka dib waa inay leedahay Wasaaraddu xeerka tacliinta sare oo axkaam ahaan ka shidaal qaata siyaasadda tacliinta sare kaliyana qeexa shuruudaha jaamacad lagu yagleeli karo, tan kulliyad lagu yagleeli, hannaanka macalinka loo qaadanayo, loona qiimaynayo , ciqaabaha iyo tallaabooyinka sharci ee Wasaaradda ka qaadayso ciddaan buuxin shuruudaha xeerka dejinayo I.W.M.

Haddii aan Wasaaraddaba magac mooyee aanay u jirin si dhab ah, aanayna lahayn siyaasado iyo xeerar ay ku maamusho tacliinta sare , awood na u lahayn ay ku kormeerto ,kulana xisaabsanto jaamacadaha, waxaa eeda yeelanaya Wasaaradda ee horta bal jiritaanka Wasaaradda waa in Wasiirka uu ka dhaadhiciyaa shacabka Soomaaliyeed.

Ugu damayn , waxaa muuqata inay dhici karto in Wasiirka aan carruur dalka ka joogin u baahan inay jaamacad galaan oo aanu dibad u diri karin , haddana aanu xog ogaal u ahayn xaaladda tacliinta sare ee dalka , qaabka uu hadalka u cabirayna muujinayo khibrad yarida iyo tala xumada ka jirta maamulka dawladda federaalka . Suurtagal maaha in Wasaaraddu iyadu jaamacad walba siiso shahaado aqoonsi, haddana tiraahdo jaamacado aan aqoonsanahay majiraan.

 

 

WQ.Saalim Siciid Saalim.