Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada fadaraalka Somaliya

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo marayey degaanka Ceelasha Biyaha.

Qaraxan ayaa lala helay baabuur, uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhinaca amniga ah.

Sarkaalka saarnaa baabuurka iyo saddex askari oo kale ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay kaoso gaareen qaraxaasi.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan illaa hadda. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaan weli wax war ah kazoo saarin qaraxa.