Video:-Wasiirka Waxbarashada”Majirto Jaamacad Dalka ku taal oo aan aqoonsanahay”

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxman Daahir Cismaan ayaa isagoo waraysiinaya Tv-ga Somali Caple sheegay in Wasaaradda Waxbarashada aysan aqoonsaneyn dhammaan jaamacadaha dalka oo ay qayb ka tahay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd mar haddii aysan Jaamacad ahaan u aqoosanneyn sababta ay ruqsada u siiyeen ayuu yiri’’ Waxna waa diiwaan-galin, waxna waa aqoonsi, marka annaga sabab aan u diidi karno in ay ka shaqeeyaan dalka ma jirto, sidaa ayaan u diiwaan-galinnay’’ ayuu yiri Wasiirka waxbarashada.
 
Hadalkan ayaa ah mid dad badan ku noqday fajiciso,iyadoo la ogsoon yahay in boqolaal kun oo arday ah waxna ku bartay jaamacadaha dalka ay maanta hogaanka dalka door muuqda ku leeyihiin ,sidoo kale ay shahaadooyinka jaamacadaha ku heleen waxbarasho dalka dibadiisa ah,hoos ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka