Wakiilka Qaramada midoobey iyo isimada Puntland oo kulan wada qaatay

Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating ayaa xarunta Puntland ee Garowe shir kula qaatey qaar kamid ah Isimada Puntland. Keating ayaa Isimada iyo odoyaasha dhaqanka kala hadley sidii xal loo demin lahaa colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland.
 
Isimada ayaa Keating la wadaagey khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin arrimahan oo kale iyo sidii la isaga kaashaan lahaa nabadda Soomaaliya.
 
Keating ayaa kulanla qaatey isla maanta Madaxweynaha Puntland, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo demin lahaa colaada Tukaraq, sidoo kale waxa uu la kulmayaa ururada haweenka.
 
Madaxweyne Gaas,ayaa markale ku celiyay in mawqifka Puntland ee colaada Tukaraq uu cad yahay wax gorgortan ah aysan ka galayn xoraynta Gobolka.