Muqdisho:-Dagaal xoog leh oo ka socda xaafad ka mid ah Xaafadaha Xamar

Maanta duhurkii soo bilaawday ayaa waxa uu weli ka socdaa Xaafada Kaawa godeey qeybta degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir.
 
Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda balse u qaab beeleed u abaabulan,waxana la sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
 
Goobjooge ku sugan halka dagaalka uu ka socdo oo ah Kaawa Godeey gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Dhanaanoow ayaa Dalsan u sheegay in Ciidamada dagaalka uu dhexmarayo ay isku-heystaan dhul halkaasi ku yaalla.
 
Shalay ayuu dagaalku ka bilaawday xaafadaas,balse xalay ayuu istaagay waxuuse dib ubilwoday maanta Duhurkii.
 
Rasaas xoog leh,ayaa socota xiligan xog rasmi ahna lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.
 
La soco wararkayaga danbe