Ra’isalwasaare Abiye oo maanta kusii jeeda Dalka Maraykanka

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey ku tagaya dalka Mareykanka, halkaasi oo uu booqan doono qurb-joogta dalkiisa ee magaalada Washington DC.

Booqashada ayaa imaneysa waqti sare oo ka mid ah muddada kooban ee uu xilka hayo Abiy Ahmed, balse wadatay dhacdooyinka badan.

Horraantii sanadkan, dalka Ethiopia ayaa waxaa ka dhacay degenaansho la’aan iyo dibadbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday xukuumadda.

Si kastaba, wax ka yar afar bilood, oo uu xukunka hayey, Abiy Ahmed ayaa sameeyey isbeddel weyn. Isbeddeladiisa ayaa dejiyey kacdoonkii, islamarkaana sare u qaaday xuquuqda madaniga ah, ayada oo dalka uu hadda kasoo kabanayo xiisaddii ku saleysneyd qowmiyadaha.

Ahmed ayaa hadda doonaya inuu Itoobiyaanka jooga Mareykanka kala hadlo sare usii qaadidda isbeddelada, iyo sidii qurbo-joogta ay ugu soo laaban lahaayeen dalkooda, si ay uga qeyb-galaan isbeddelada socda.