Shiinaha:-Qarax ka dhacay agagaarka Safaarada Maraykanka

Qarax ayaa ka dhacay meel ku dhow Safaaradda Mareykanka ee magaalada Beijingee dalka Shiinaha sidda ay shaaciyeen Warbaahinta Shiinaha.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel u dhow Safaaradda Wadada laga galo Kadib waxaa la arkay qiic ka baxaya safaaradda.

Booliska Shiinaha ayaa wakaalada AP u sheegay in qofka looga shakisan yahay in uu qaraxan ka danbeeyey uu yahay 26 jir kaas oo ku dhaawacmey qaraxa, lama oga sida dhaawiciisu yahay.

Joornaalka dowliga ah ee Global Times ee dalka Shiinaha ka soo baxa ayaa qoray in Boolisku qabteen haweeney dooneysey in ay dab isku shido banaanka hore ee safaarada Maraykanka, lama oga in labada dhacdo ay xiriir lee yihiin iyo in kale.