Video:-Madaxweynaha Somaliya oo beri ku wajahan Dalka Eretereya

Madax-weynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo wafti ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah booqasho taariikhi ah ku tagaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo xogta arintan ku saabsan la wadaagay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu hogaamin doono wafdi ballaaran oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda maalinta berri ah booqasho rasmi ku tagi doona magaalada Asmara.

‘’Booqashadan waxaa ay ku saleysan tahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo raba oo ay dowladdu-na muddo dheer-ba ka shaqeyneysa in Soomaaliya ay dib u soo ceshato maqaam-kii ay ku laheyd Geeska Africa iyo guud ahaanba gobolka’’ ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xili heshiis laga gaaray colaadii ka badan 20 sano ka dhax jirtay dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea, kaddib markii uu tallada dalka Itoobiya la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo la yimid markiiba siyaasad fur furan oo dib-u-heshiisiineed.

Booqashada madaxweyne Farmaajo iyo waftigiisa ay berri ku tagayaa magaalada Asmara ayaa noqon doota tii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalka Eritrea oo ka go’ay dalka Itoobiya sanadkii 1993kii,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka