Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Eretereya

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea.
 
Farmaajo oo muddo saddex cisho ah dalkaasi joogi doono ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Eritrea Isaisa Afwerki.
 
Booqashada Farmaajo ee Asmara ayaa timid, kadib markii heshiis taariikhi ah uu dhexmaray dalalka Eritrea iyo Ethiopia, kaasi oo ay ku soo afjareen colaadda gaamurtay ee 20 sano ku dhawaad ka dhaxeysay.
 
Dad falanqeeya siyaasada Geeska Africa,ayaa u arka booqashada Farmaajo ee Eretereya in aysan ahayn mid kasoo fushya maskaxda madaxda Somalida,isla markaana dan Somaliyed ku qotonta.
 
Eritereya ,ayaa taageero siisay maxkamadihii Islaamiga ahaa ee muddada kooban ka talin jiray bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya,sidoo kale taageerta ilaa iyo hada Ururka Alshabaab.
 
QM ayaa Eritrea ku saartay cunaqabteyn doorka ay ku leedahay xasilooni-darrida gobolka geeska Africa,