Video:-Masar oo lagu tuhmay in ay ka danbaysay dilkii Agaasimihii biyo-xireenka Abay

Agaasimihii Mashruuca Abay waxaa maydkiisa laga dhex helay gaari uu watay bartamaha caasimada Adis-ababa.
 
Ilaa iyo hada laamaha amaanka Itoobiya war kama soo saarin waxayna wadaan baaris sida dilku udhacay iyo cida lagu tuhmayo ah,
 
Dhanka kale waxaa jira shaki weyn oo ku aadan in dilka agaasimaha biyo-xireenka Abay ay fuliyeen laamaha sirdooonka ee Masar.
 
”Wax walba oo aan ku burburin karno dhismaha mashruuca Abay waa samaynaynaa”sidaa waxaa tiri Masar.
 
Dilka agaasimihii mashruuca biyo-xireenka itoobiya ee Abay iyo hanjabaadan madaxda Masar ay horay ugu dhawaaqeen waxay dhalisay in lagu tuhmo dilkaas.
 
Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed,ayaa booqasho ku tagay dalka Masar isal markii la doortay.waxuuna usoo xaqiijiyay shacabka iyo Xukuumada Masar in uusan Biyo-xireenka Abay khatar ku ahayn.
Halkan ka daawo muuqaalka