Video:-TPLF oo ku hanjabtay in ay ka go’ayso Itoobiyada kale hadii….

”Waa ka baxaynaa xubinimada Dolwada Fadaraalka Itoobiya hadaan nalaga dayn faquuqa nalagu hayo”sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha TPLF.

Markii si dhab ah loo eego majirto wax khatar ah oo xiligan ku wajahan Bulshada Tigreega ee soo xukumaysay Itoobiya 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Wali awooda dhaqaalaha iyo Mida Ciidamada ee Itoobiya waxay gacanta ugu jirtaa Tigreega,mana jirto khatar xiligan si gaar ah ugu socota ama ugu soo socota,basle ujeedka hadalkan ayaa ah fariin handaada oo ay udirayaan xukuumada uu hogaaminayo Wiilka reer Oromo.

Dhanka kale waxaa la qorshaynayaa in Dastuurka Itoobiya dib uhabayn lagu sameeyo wax weyna laga badalo.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka