Dowlada imaaraadka oo shuruud ku xirtay xiriir soo celinta dowlada Somaliya

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladdiisa ku xadgudubtay, markii ay la wareegtay lacag ay u wadeen ciidanka Soomaaliya.

Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan garowsatay khaladka ay ka gashay Imaaraadka.

“Waxaan dowladda Soomaaliya ka sugeynaa inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo ka hadlayay Xarunta Cilmi Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London.

Mr Gargash ayaa xaqiijiyay inay jiraan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Imaaraadka iyo Soomaaliya, inkastoo aanu sheegin cidda wada dadaalada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka khaliijka, isla markaana ay muuqatay ifafaalaha xiriirka Madaxtooyada iyo Qatar,waxuuse cirka isku sii shareeray mugdigaas markii Dowlada Somaliya ay baartay diyaarad ay la socdeen diblomaasiyiin iyo ciidan tababarayaal ah reer imaaraad ah,isla markaana ay la wareegtay lacag gaaraysay toban Milyan oo dolar oo saarnayd diyaaradaas.