Video:-Madaxweyne Farmaajo iyo waftigisii oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi balaaran oo ku wehlinayay booqasho qaadatay sedax Cisho oo ay ku joogeen dalka Erateriya ayaa maanta  dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu joogay dalka Eretrea wuxuu la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Eretrea waxay kawada hadleyn qodobo ay ka mid yihiin in Soomaaliya iyo Ereteriya dardar geliyaan sidii ay u sameysan  lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca, amniga iyo in labada dal yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed oo ay yeeshaan labada dowladood iyaga oo is dhaafsada danjireyaal.

Wuxuu sidoo kale madaxweyne Farmaajo uu la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo xubno sare oo ka tursan jabhada ONLF.

Sikastaba ha`ahaatee madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.