Video:-Madaxweyne Farmaajo oo raaligalin ka bixiyay dhiibistii Qalbidhagax

Kulan ay yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Ururka ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan uu sheegay in dawladda Somalia ay raali-galin ka bixisay dhiibistii Qalb-dhagax.

Admiral Maxamed Cumar ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu u aqoonsan yahay go’aankii baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ee ahaa in Ururka ONLF yahay urur xaq u dirir ah.

Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax ayaa sannadii hore dowladda Somalia u gacan gelisay Ethiopia, balse dhammaadkii bishii hore ayaa xabsiga Ethiopia laga sii daayay.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka