Video:-Madaxweyne Gaas iyo ra’isalwasaare Khayre oo la kulmay dhalinyarada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre ayaa kormeerka kadib waxaa ay tageen Jaamacada Bariga Africa halkaasi oo ay kula hadleen boqolaal ardayda Jaamacadaha Garoowe dhigta kamida.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban u jeediyey ardayda Jamacadaha caasumada Dowladda Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxa uu yiri

“Waan idin salaamayaa dhammaantiin aad iyo aad ayeey noo farxad galinaysaa inaan idinkala soo qayb galno xafladdan bahda waxbarashadu ay kusoo dhoweeynayaan Ra’iisul-wasaarahooda, runtiin aad baan ugu faraxsanhay Jaamacada Bariga Africana aad bay u mahadsan tahay Khayr Alle hasiiyo mar walbaaba dooraka ay ku leedahay waxbarasho iyo taageeronimada iyo garab istaaga Dowladnimada aad iyo aad baad u maghad santihiin, intii kaloo kasoo qayb gashayna wan idin salaamaya waad mahadsantihiin, waxa noo yimid Ra’iisul-wasaarihii Dowladda Federaalaka Soomaaliaya, wuxuuna u yimid inuu idiin warramo mustaqbalku waxa uu ku jiraa waa dhalinyarada marka dhalinyaradu waa in ay waajibaadkooda gudato, xuquuqda dalka ay ku leeyihiina ay helaan, latageero barbaarintooda, hagaajintooda iyo jihayntooda ay muhiim tahay, markaa Ra’iisul-wasaare soo dhowoow dhalinyaradu aday ku sugaysaa, ayuu yidhi Madaxweynaha Dowladda Puntland’’

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

 

Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre ayaa ardayda Jaamacadaha Magaalada Garoowe kula dar-daaramay xajinn midnimda ummada Soomaaliyeed una istaagaan sidi dalkan ay u hagaajin lahaayeen islamarkaana waxaa uu Ra’iisul-wasaaruhu sheegay in Soomaaliya ay hatsato Fursad ay ugu horeyso dhalinyarta fursadaasna ay tahay in laga faa-iidaysto, ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo khudbadii ra’isalwasaare khayre