Video:-Madaxweyne Gaas oo casho sharaf usameeyay waftigii ra’isalwasaare khayre

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo taariikhdu tahay 29 July 2018 waxaa uu casho sharf ugu sameeyay Hotelka AJJ PALACE Ra’iisul-wasaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre iyo weftigii balaadhnaa ee la socday.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa casho sharftan uu u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa iyaguna ka soo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, Marwada koowaad ee Puntland Marwo Hodan Siciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Kuxigeenadiisa, Goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale Casho Sharaftan uu madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u sameeyay Ra’iisul-wasaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, ayaa imaanaysa xili maanta uu booqasho rasmiya uu ku yimid Ra’iisul-Wasaare Khayre caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa waxaa ay booqan doonaan xarumaha dhaqanka ee Puntlnad, iyaga oo la wadaagii doona maamuus iyo casuumadaha kale ee ugaarka ah madaxda dhaqanka Puntlnad,

Ugu danbayn, Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa muddada uu ku joogo booqashadiisa rasmiga ah Puntlnad ayaa Waxaa uu booqan doonaa xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha kale Dowladda Puntland ee magaalada Garowe,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad