Dekeda cusub Ee Garacad oo maanta si rasmi ah loo dhagaxdhigay

Waxaa maanta si dhamaystiran loo dhagax dhigay Dekada cusub Garacad,sidoo kale la dhagax dhigay wado laami ah oo isku xiridoonta Garacad ,Galkacyo iyo Goldogob
 
Dhagax dhiga labadaan mashruuc oo aysan ukala harin Isimida iyo Xukuumada Puntland.
 
Mashruucan ay ku bixidoonto lacag dhan 50-million oo dollar,waGanacsato reer Puntland ah,iyadoo mashruucan uu socon doono mudo laba sano ah
 
Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo isimada Puntland oo uu hogaaminayo islaan Bashiir Islaan Cabdiile,ayaa dhagax dhigey dekeda cusub oo laga dhisayo deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.
 
Dhagax dhigida dekedan oo hore loogu qorsheeyay in uu si rasmi ah u dhagax dhigo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre,balse saacadihii ugu danbeeyay ayuu ka baaqsaday,iyadoo aysan wali cadayn ujeedka uu uga baaqsaday marka laga soo tago cadaadis xoog leh oo la sheegay in uu uga yimid dhanka beeshiisa.
 
Balse Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan baahida dadka kunool gobolka Mudug sidaana ku dhagax dhigay Dekeda.
 
Dekedan oo noqon doonta midii labaad oo ay Puntland yeelato hadii rabi idimo,waxaa la filayaa in ay kor uqaado ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland.