Dowlada Jabuuti Oo Si Kulul U Cambaaraysay Booqashadii Farmaajo Ku Tegay Eritrea

War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Jabuuti Magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay si weyn uga naxeen hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya intii uu booqanayey magaalada Asmara ee ahaa baaqii uu QM kaga codsaday inay cunaqabteynta ka qaado dalka Eritrea.

“Shaki kuma jiro inay in Soomaaliya ay tahay dowlad xor ah xaq u leh iney xiriir diblomaasi la yeelato dalalka gobolka, balse ma aha wax la aqbali karo in walaalaheen Soomaaliyeed ay taageeraan Eritrea oo heysata dhul ay leedahay Jabuuti, welina diidan in heyso maxaabiis Jabuutiyaan ah ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho oo ahaa mid aad u kulul.

Waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Eritrea ay laga soo bilaabo sanadkii 2009 nabadgelyo iyo xasilooni darro ku heysay dalalka deriska la ah, iyadoo taageereysay ururo aragagixiso ah iyo muranka xuduudka ee ay kula jirto dalka Jabuuti.

Waxaa kaloo safaaradu ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay si indho la’aan ah u taageertay Eritrea iyadoo aan wax qiime ah weydaarsan.

“Looma dul-qaadan karo wadahadalka aan damqashada lahayn xilli ay ciidamadeena halkan u joogaan inay difaacaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Jabuuti ayaa si weyn uga carootay socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ku tegay Asmara iyo baaqiisii ahaa in cunaqabateynta laga qaado dalkaasi, waxaana qoraalka lagu sheegay inay habooneyd in madaxweynaha Somalia uu soo hadal qaado dhibaatada u dhaxeysa dalalka Jabuuti iyo Eritrea sidii xal loogu heli lahaa.

 

 

Halkan ka akhriso:-