Jabuti oo beenisay in Madaxweynaheedu booqan doono Asmara

Mudooyinkaan waxaa jiray warar la isla dhex marayay warbaahinta bulshada kaas oo ku aadan in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele uu booqasho ku tagay dalka Eritrea.

Maxamuud Cali Yuusuf  Wasiirka arrimaha dibeda dalka Jabuuti oo Qoraal soo dhigay bartiisaTwitter-ka ayaa wax-ba kama jiraan ku tilmaamay in madaxweynaha Jabuuti booqanayo dhawaan dalka Eritrea.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay wararka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta kuwo aan waxba ka jirin, isaga oo intaa ku daray in wali aan xal laga gaarin sida uu hadalka u dhigay qalalaasihii dhinaca xadduuda ee labada dowladdood Jabuuti iyo Ertirea.