Inqilbaakii Abiye oo fashilmay iyo Ciidamada Fadaraalka oo laga saaray Jigjiga

Ciidamada fadaraalka ee saaka soo galay magaaladda Jig-jiga ayaa lagu khasbay in ay ka baxaan gudaha Magaalada, ka dib markii shacab-ka iyo ciidamada liyuu booliska ee deegaanku ka hor yimaadeen.

 

 

Ciidamada fadaraalka ayaa saaka la wareegay dhamaan xafiisyada dawladda iyo wadooyinka, haseyeeshee waxaa shacabka baraha bulshada kala hadlay mas’uuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baarlamaanka deegaanka iyo xubno ka mid ah Wsiirada, kuwaas oo shacabka ka dalbaday inay sharaftoodda ilaashaadaan oo dhulkoodda difaacaan.

 

 

Shacabka magaalada jig-jiga ayaa ku qamaamay meheradihii iyo guryihii dadka aan soomaalida ahayn lahaayeen, gaar ahaan qoomiyadda Oromadda, waxaaanay boobeen hantidii taallay,iyadoo dadkii lahaana ka dhigay qaar firxaday iyo kuwo dhuumaalaysi ku jira magaaladda dhexdeedda.

Sidoo kale, waxa la gubay kaniisad weyn oo ku taallay Jig-jiga,taasoo ololkeeda iyo qiiqeeda daafaha magaalada laga arkayo.

Soomaalidda deegaanka ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen Oromo dooni mayno iyo Abiy Ahmed ha dhaco, waxaana wadooyinka hadba dhinac u soc socday gaadiidka shacabka oo dadku saaran yihiin iyo ciidamada liyuu booliska.

 

 

Madaxweynaha Deegaanka Cabdi Maxamed Cumar ayaa ku sugan Taliska guud ee Ciidamada Liyuu Booliska ee duleedka Jigjiga.

 

 

Cútubyo ka tirsan Ciidamada Liyuu booliska ayaa kusii jeeda xadka ay wadaagaan Somalida iyo Oromadda, halkaas oo ay doonaya inay furin cusub ka furaan si aysan xadka usoo dhaafin ciidamada Fadaraalka Itoobiya.

 

Qorshaha ay Ciiidamada Fadaraalka Itoobiya gudaha ugu soo galeen caasimada Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya ee Jigjiga,ayaa yimid ka gadaal markii ay xalay go’aamiyeen Golaha Wasiirada DDSI in ay ka go’aan itoobiya inteeda kale,isla markaana subaxii laga ansixiyo Baarlamaanka Deegaankaas.