Video:-Madaxweyne Gaas oo khudbad ka jeediyay sanadguuradii 20-aad Ee Puntland

adaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay 03August 2018 ka qayb galay xuska sanad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Dowladda Puntland 01 August 1998.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa kala soo qayb galay Xuska maalintani taariikhiga ah Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cadullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi , Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed , masuuliyiin ka tirsan xukuumadda DFS iyo Baarlamaanka Soomaaliya, Goloyaasha Dowladda Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Xuska maalinta taariikhiga ah oo lagu qabtay caasumada Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ay xafladan balaarani ay ka dhacday hoolka Jaamacda PSU, iyadoona ay qayb ka ahaayeen kooxda fanaaninta Waabari Puntland iyo fanaanii kaloo badan oo madasha sugaan kala gedisan kusoo bandhigay.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cadullaahi Xaaji Cumar Camey oo madasha ka hadlay ayaa si wayn u xusay ahmiyada ay Dowladda Puntland u leedahay Soomaaliya iyo sidii ay naf iyo maalaba ugu bixisay sidii Federaal wadanka uga dhaqan gelin lahaa,iyadoona uu si wayn u xusay askartii Puntland ka tagtay oo keentay nabada ay Dolwadda Federaalka ah ay maanta ku shqeyso, waxuuna madaxweynuhu xusay in askartaa ay ku aasan yihiin Villa Soomaaliya dhexdeeda.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre oo khudabad ka jeediyay madashii ayaa ugu horeyen ka mahad celiyay soo dhaweyenta baaladhan ee loogu sameeyay meelihii iyo goobihii uu booqday ee ay kamid ahaayeen magaalooyinka Garoowe iyo Qardho, sidoo kalena xusay nabada taala Puntland, isagoona sheegay inay Dolwadda Puntland ay tahay Hooyada Federaalka Soomaaliya ayna tahayn in lagu daydo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima ka jeediyey sanad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Dowladda Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa arimiihii uu sida weyn uga hadlay Madaxweynahu,

“Waan idin salaamayaa dhammaantiin oo uu ugu horeeyo Ra’iisul-wasaaruhu, waxaan aad iyo aad marka hore ugu mahadnaqayaa dadkii isku xilqaamay inay soo qaban qaabiyaan xalfadaan quruxda badan oo uu ugu horreeyo gudiga qaban qaabadu, aad iyo aad bay u mahadsan yihiin, inta qasoo qayb gashay oo wakhtigooda u huray ayagana aad iyo aad bay u mahadsan yihiin, ugu horeyn waxaan rabaa inaan iraahdo Hambalyo Hambalyo shacab weynaha reer Puntland meelkasta oo ay Joogaan, inay maanta ku ciidayaan 20 guuradii asaaskii Dowladda Puntland farxad gaara ayeey noo tahay in caawa sand guurada Puntland aan wadajir u xusayno, ayada oo ay marti noo tahay xukuumadii Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre,

Mudanayaal iyo marwooyin khudbadayda caawa waxay ka kooban tahay oo ka hadlaysaa halkii Puntland ka timid, meesha ay Puntland hada joogto iyo mustaqbalka meesha ay Puntland u socoto, waxaa muhiima inaan is xasuusino taariihda iyo sababtii loo aasaasay Puntland, hadaba hadii taariihdaa aan dib u milicsano Puntland waxaa la aas aasay sanadii 1998, waxaana loo aasaasay inay noqoto xubin Federaal ah oo kamid noqon doonta mustqbalka Soomaali mideysan, go’aankaasi ma ahayn mid deg-deg loo qaatay, mana ahayn mid ka dhashay caadifad gobol ama reer, balse waxuu ku yimid wada tashi xoog badan oo kusoo aaday xaalada dhib-badan, hadaba xaaladahaasi maxay ahaayeen 1. Dowladdnimadii Soomaaliya oo bur-burtay sanadii 1991, 2 ilaa 7 sano oo dagaal sokeeye ah, 3. barakacayaal malaayiin Soomaali oo kasoo qaxay guryohoodii kadib markii ay hantidoodii waayeen, dadkaas oo ahaa caydh fara madhan, waxa ay u yimaadeen oo marti u noqdeen dhul iyo dad dhiban oo ayaga aan wax dhaamin”

Ugu danbayn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlaya xaalada gobolada Sool iyo Sanaag ayaa xusay in talada iyo masiirka Gobolka Sool loo daayo shacabka iyo waxgartka gobolkaas si ay uga tashadaan masiirkooda,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka