Video:-TPLF oo canbaaraysay weerarkii Oromada Ee Jigjiga iyo Madaxweyne Cabdii Cumar oo hadlay

Xisbiga Tigreega ee TPLF wey cambaareeyeen talaabada EPDRF oo ay katirsan yihiin ay ciidamada Milateriga ku galisay magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxayna sheegeen TPLF in ay ka welwelsan yihiin dhacdooyinka cusub ee gudaha Itoobiya ka dhashay .

Dhanka kale Shir jaraaid oo uu goor dhaweyd qabtay Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayuu kaga war bixiyey sidey wax u dhaceen.

Wuxuu sheegay in xasiloonidii ay hada gacanta Dowladda DDSI ku jirto, Shacabkuna ay is dejiyaan.

Waxaa maanta ay DDSI weerar looga soo qaaday dhanka Oromada, waxaana laysku deyey in Dowlada DDSI la af gembiyo oo loola dhaqmo si ka baxsan sharciga, taasna waxaa been yidhi ku dhawaad shacab gaadhaya Hal milyan iyo badh oo Jijiga ka kacay.

Magaalada Jigjiga waxaa la gubay Kiniisadii weynd, waxaa kaloo la boobay Bankigii Oromiya, waxaana Dukum Daakum laga dhigay wax kasta oo Oromo ay lahayd, Kacdoonku waxaa kale oo uu ka dhacay Dhagax Buur, Qabridahare, Godey, Wardheer, Iimey iyo Dhuxun iyo magaalooyin badan.

Isku soo wada duub oo waxaa maanta banaanka u soo baxaday in uu Cabdi Maxamuud Cumar Shacbiyad weyn haysto.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka