Wasiir ku xigeenkii arimaha dibada dowlada Fadaraalka oo la amray in lasoo xiro

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay saaka gudaha u galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee degmada Wadajir, iyagoo xafiiskiisa kala soo baxay Wasiir kuxigeenka, dabadeedna gaari saartay.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii ay isku dayeen inay wataan lagu celiyay albaabka xarunta, waxaana is hor-taagay Ilaalada Xarunta wasaaradda iyo shaqaalaha wasaaradda, waxaana ka dhashay qalalaaso iyo rabshado.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ilaalada Xarunta oo isugu jira Ciidamo Boolis iyo Ciidamada AMISOM ay diidan yihiin in lala baxo Wasiir kuxigeenka, inkastoo la sheegayo ciidamada doonaya inay xiraan Wasiir kuxigeenka ay wataan warqad amar maxkamadeed ah.

Ismaandhaafka ka taagan xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa la sheegayaa in lagu wargeliyay Saraakiisha Ciidamada sida Taliyaha Booliska Soomaaliya oo laga sugayo xarunta Wasaaradda, si xaalada u farageliyo.