Xeer-ilaaliyaha Qaranka Fadaraalka oo ka hadlay xarigii W.xigeenka arimaha dibada Fadaraalka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa waxaa uu ka hadlay Shaqaaqadii Maanta ka dhacday Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Axmed Cali Daahir waxa uu Sheegay in Maanta arintii ka dhacday Wasaaradda Arimaha dibadda loo gudbin doono Maxkamd Karaankeeda leh in ay kiiskaa qaado, Sidoo kale waxa uu tilmaamay Waaxda Fulinta ee Dowladda ay arintan Baaritaano ku hayso.

 

Xeer Ilaayahu waxa uu Xusay in cid walba oo arimo Musuq lagu helo Sharciga la hor geeeyn doono, hadalkaa oo laga dhadhansaday ina rinta wasiirka loo heesto ay salka ku heeyso arimo xatooyo.

Ugu danbeyn Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay in Kiiskan ay ugudbiyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir, Eedeymo uu soo gudbiyay hanta dhowrka qarankana loo haysto Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arimaha dibadda.