Melania oo seeygeeda kala safatay LeBron James

James ayaa wareysi laga qaaday ku sheegay in Mr Trump uu yahay nin dhib badan uuna taageero midab kala sooca.

Balse Mr Trump oo ka jawaab celiyay hadalkiisa ayaa su’aal galiyay caqliga James.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka marwada ayaa sheegay in James uu ku hawlana sidii uu wax wanaagsan uga sameyn lahaa Iskuula ku yaalla magaaladiisa Ohio.

Waxa ay Mrs Trump sheegtay in ay doonaysay in wadahadal ku saabsan arrimaha caruurta ay la gasho James.

Bilowgii toddobaadkaan, James ayaa warbaahinta CNN u sheegay cayaaraha ay siyeen fursad uu ula macaamilo dad jinsiyad kala duwan ah.

“Cayaaraha Makala qeybiyaan dadka, waxa ayna isku keenaan dad kala duwan” ayuu yiri Mr James.

Waxa uu yiri waxa aan ogaaday in Mr Trump uu bilihii ugu dambeeyay ku hawlanaa sidii uu noo kala qeybin lahaa.

Waxa uuna sidoo kale ku doodayaa in ficilada Mr Trump ay dhiira galinayaan midab takoorka.