War deg-deg ah:-Qarax xoog leh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax xooggan uu caawa fiidjii ka dhacay magaalada Muqdishu.
 
Qaraxa ayaa waxaa sababay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo bixiyey, waxaan uu ka dhacay maqaaxi laga qaxweeyo oo ku dheggan Shaneemo Soomaaliya jidka Maka Al-Mukarama.
 
Gaadhiga waxaa la hordhigay maqaayadda oo ay dhalinyarada iyo dadka kale ay ku qaxyeenaa, taas oo ku taalla degmada Waabir, sida goobjoogayaahsu sheegeen.
 
Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay shan qofna waa ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadku.