Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Jigjiga iyo Guud ahaan DDSI

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya,oo shalay ay isku dayeen in ay inqilaab Milatari ku sameeyaan Ciidamada dowlada Fadaraalka Itoobiya,ayaa dib ugu soo laabtay qasrigisii Madaxtooyada ee Jigjiga.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ay si adag ugarab istaageen Ciidamada Liyuu Booliska iyo shacabka DDSI waxuu fashiliyay isku daygii askarta ee uu soo abaabulay ra’isalwasaare Abiye.

Cabdi Maxamuud waxuu maanta qaabilay Baadiriga ugu weyn Kaniisada Kiristiyaanka DDSI,isagoo gaarsiiyay sida uuu uga xumaaday dhibka gaaray goobahoodii cibaadaysiga waxuu la wadaagay cida keentay dhibka dhacay oo asalkeeda leh.

Sidoo kale Madaxweyne Cabdi waxuu kormeeray xarumo iskugu jira Bangiyo,Hotelo iyo xarumo kale oo dadweynihii caraysnaa ay gubeen,isagoona ugu baaqay shacabka DDSI in ay isdajiyaan xaalkuna gacantooda dib ugu soo laabtay.

Dhanka kale Madaxweynuhu waxuu amray in laoso xiro Xuduuda DDSI dhan walba,isla markaana Ciidamada Fadaraalka xarumahooda la kordhigo Ciidamada Liyuu Booliska si loola socdo dhaqdhaqaaqooda.

Shirkii Dirirdhabe,ayaa isna fashilmay kadib dhacdadii Milatariga ee ay shalay ku galeen gudaha Jigjiga,shirkaas ayaa qorshuhu ahaa in ay iskugu tagaan dhamaan mucaaradka Cabdi Maxamuud Cumar waxaana dabada ka riixayay ra’isalwasaare Abiye,balse masuuliyiintii ka qaybgalaysay ayaa si weyn uga carooday talaabada Milatarigu uu ku faragliyay hanaanka maamul ee DDSI.

Isku soo wada duuboo xaalada DDSI ayaa dagan maanta waxaana si buuxda gacanta ugu soo laabtay amarkii iyo kala danbayntii,iyadoo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu helay taaageerada mucaaradka iyo mu’ayidka Deegaanka.