Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Magaalada Dirirdhabe

Waxaa wali kacsan xaaladda magaalada Diri-dhabe kaddib rabshadihii saakay ka qarxay halkaasi.
Wararka naga soo gaaraya Diri-dhabe ayaa sheegaya in xaaladdu ay haatan cakiran tahay, kaddib markii dhowr guri oo ay deganaayeen dad Soomaali ah dab la qabadsiiyay.
 
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dad ku sugnaa guryahooda dab la qabadsiiyay halkaasina ay ku geeriyoodeen.
 
Gawaarida dab damiska iyo kooxaha gurmadka degdega oo gaaray xaafadaha dabka la qabadsiiyay ayaa ku howlan daminta dabkaasi.
 
Dadka deegaanka ayaa ka qaba cabsi weyn sida ay xaaladdu noqon doonto saacadaha soo socda oo xaalku ku dambayn doono.