Ciidamada PSF oo hawlgalo ka fuliyay Buuraha Calmadow

Ciidamada difaaca Puntland ee PSF,ayaa maanta hawlgalo ay ku fuliyeen Buuraha Calmadow waxay cagta mariyeen farisimo ay ku lahaayeen Buurahaas Maleeshiyaadka Alshabaab sida lagu soo qoray barta Fc-ga ee Ciidamada PSF.
 
”Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 06 August, 2018 hawlgal dagaal oo ballaaran oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyeen Buuraleyda degaanka Madarshoon ee Buuraha Cal Madow,Puntland, Soomaaliya.
 
Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na dileen intii hawlgalkani socday 15 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo.
 
Dhanka kale, intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon, Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow.
 
Ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ku soo duulay Puntland, si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddanka ka caaggan kooxaha cadowga ah iyo falalkooda argagixisanimo.
 
Puntland ayaa dagaal joogta ah waxay kula jirtaa argagixisada Shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysta Buuraha Calmadow.
Jibril Qoobey.