Dagaal xoog leh oo ka qarxay xuduuda Somalida iyo Oromada

Dagaal xoogan oo udhaxeeya Qoowmiyadaha Soomalida iyo Oromada ayaa waxaa uu ku soconayaa halka ay xuduudda ka wadaagaan deeganada Oramada Iyo Soomaalida ee dhulka ay Itoobiya Maamusho.

Warar aan heleeyno ayaa sheegaya in dhowr tuulo ay qabsadeen Kooxaha Oromada oo ay Soomaalidu leedahay, dagaalkuna wali waa uu socdaa, Aagga dagaalkuna waxa uu umuuqdaa in uu sii ballaaranayo.

Dagaalkan ayaa waxaa la aaminsanyahay in uu dabayaallo qalalaasihii ka dhacay dhawaan Magaalada Jigjiga halkaa oo waxyeelo loo geystay dad kasoo jeeday Qomiyadda Oromada.