DDSI Oo yeeshay Madaxweyne Cusub kadib iscasilaadii Cabdi Maxamuud Cumar

Madaxweynaha DDSI ee xilka la wareegay ka gadaal iscasilaadii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa horay u ahaa Wasiirkii Maaliyada ee Xukuumadii Cabdi.
 
Ilkacase hogaamiyaha cusub ee DDSI waa Nin dhalinyaro ah siyaasadana soo galay intii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar xilka hayay aad ay Sxb uyihiin ,iskuna mawqif dhaw yihiin inta badan Madaxweyne Cabdi.
 
Ilkacase waxuu ahaa Wasiiradii aadka Saxaafada uga hadlay markii Ciidamadu soo faragaliyeen Deegaanka,sidoo kale waxuu ahaa Wasiirkii sida weyn uga hor yimid hadalkii ra’isalwasaare Abiye ee ahaa in Somalidu Boqokiiba Shan ku leedahay shiidaalka Deegaankooda laga soo saaray.
 
Madaxweyne Ilkacase,ayaa ku yimid gorgortankii iyo shuruudihii uu sameeyay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
 
Ilkacase waxaa hortaala hawl baaxad weyn oo iskugu jira mid amni,mid dhaqaale iyo mid loolan Siyaasadeed ah