Dagaal Beeleed khasaare xoog leh dhaliyay oo ka dhacay Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa goordhaw uu ka qarxay dagaal udhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo oodwadaag ah.
 
Labadan beelood ayaa xiisadda udhaxeysa maalmahanba waxa ay ka taagneed duleedka Kismaayo.
 
Maalinimadii shalay aheyd ayaa colaadan maamulka Jubaland waxa uu kasoo saaray war, iyada oo warkaa lagu sheegay in maamulku uu kala dhex gali doono qeybaha ay udhaxeeyso colaadda ka taagan banaanka Kismaayo, balse warkaa ayaa umuuqda inuusan dhaqan galin.