Maareeye ku xigeenkii shirkada Golis oo Bosaso lagu dilay Caawa

Rag hubaysan ayaa caawa magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari dil ugu geystay mid ka mid ah masuuliyiinta sare sare ee shirkadda Isgaarsiinta Golis oo lagu magacaabo C/laahi Cali Cumar (Jinnac)

Marxuumka ayaa dilka loo gaystay daqiiqado ka dib markii uu ka soo baxay masjidka Rowda ee Bosaso, halkaasi oo ku soo tukaday salaadii Cisha, isagoo ku sii jeeday shirkadda Isgaarsiinta

Alle ha u naxariistee C/laahi Cumar Cumar wuxuu maareeye Kuxigeen ka ahaa shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ee Puntland. Sidoo kale muddo 10 sanno ka badan wuxuu madaxa Howlgalinta ee Shirkadda.

Weli xukuumadda Puntland kama hadlin dilka loo gaystay, sidoo kael ma jirto cid sheegatay ama loo soo qabtay inay ka danbeyso falkan dilka ah ee caawa ka dhacay magaalada Boosaaso, hase yeeshee waxaa jira in ciidamada amniga ay goobta dilku ka dhacay ay gaareen, baarintaanana socdaan.

Dilal noocan oo kale ayaa ka dhacayay magaaladda Bosaso 10 kii sanno ee la soo dhaafay, Qaar ka mid ah dilalkaas waxaa sheegan jiray Ururka Alshabaab oo buuralayda Calmadow ee Puntland dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah kula jiro ciidamadda Puntland.

Jibril Qoobey