Dowlada Somaliya oo markale bartanka u istaagtay fadeexad diblomaasi taageertayna Sacuudiga

Qoraal kasoo baxay Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayay markii ugu horreysay uga hadashay khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.
 
Qoraalka oo Afka Carabiga ku qornaa kana soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya si dhaw ula socto xaaladihii ugu danbeeyay ee ka soo kordhay xiriirka dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.
 
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka soo horjeedo faragalin lagu sameeyay arrimaha gudaha Sacuudiga.
 
Sacuudiga ayaa Canada ku eedeysay faragalin ay ku heyso arrimaha gudaha Sacuudiga iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.
 
Dad badan ,ayaa iswaydiinaya oo kamid ah bulshada Somaliyed qaybaheeda kala duwan waxa ku khasbay dowlada Somaliya in ay durba garab istaagto Sacuudiga,isla markaana dowlada kanada oo ah dal ay Somaliya yihiin SXbo dhwo ,abaal weyna ku leh Umada Somaliyed ay ugarab wareentay.
 
”Waa siyaasad dibadeed fashilan oo aan aragti fog iyo jiho ay usocoto aan lahayn siyaasada arimaha dibada ee dowlada fadaraalka Somaliya,kaliya waxay ku qotontaa danta gaarka ah ee shaqsiyaada jooga Villa Somaliya ,kuwaasoo marwalba tooda ka dhex raadsada xaaladaha taagan”sidaa waxaa yiri mid kamid ah falanqeeyayasha siyaasada Geeska Africa. Cabdi Cabdulaahi Warsame.
 
Baraha Bulshada,ayaa markii warkan soo baxay waxaa is qabsaday qaylo dhaan looga soo horjeedo mawqifka dowlada Somaliya ee ku aadan khilaafka Sacuudiga iyo Kanada.
 
 
 
Halkan ka akhriso warka dowlada soo saartay oo Af carabi ah:-