Jamhada Oromada iyo Dowlada dhexe itoobiya oo heshiis kala saxiixday

OLF ayaa magaalada Asmara ee caasimadda dalka deriska ah ee Eritrea oo saldhig u ah jabhaddaasi heshiis nabadeed kula saxiixatay dowladda Itoobiya, colaadda u dhaxeysa dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee OLF ayaa sababtay in kumannaan qof oo Oromo ah ay dalka isaga qaxaan.

Guddoomiyaha OLF Da’ud Ibsa oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in wixii haatan ka dambeeya hawlahooda siyaasadeed ay si nabad ah ugu qabsan doonaan gudaha dalka Itoobiya.

“Waxaan isla garanay inaan joojino halganka hubeysan dhankeena iyo dhanka dowladdaa, oo aan dagaal ku raadin danaheena siyaasadeed, waxaan ku laaban doonaa Itoobiya, waxaana ku heshiinay in gudaha dalka aan si nabad ah uga hawlgalno, annaga oo aan wax caqabad ah ku aheyn dowladda”. Ayuu yiri Guddoomiye Da’ud.

Jabhaddani ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqday xabbad joojin kaddib muddo sanado ah oo ay dagaal ba’ani kula jirtay dowladda Itoobiya, OLF ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromo uu ka tashado aayahiisa.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan jabhaddani ka saaray liiska kooxaha argagixisada ahi, kadib markii xukunka dalkaasi uu la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali oo la yimid isbadal siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatada dalkaasi Itoobiya.