Oromo lagu laayay Bosaso

Dad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa maanta lagu dilay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Meydadka labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen Oromo ayaa la geeyay cusbtitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Labada qof ee la dilay ayaa la sheegayaa in mid lagu dilay meel ku dhaw masjid loo yaqaano Faadumo oo ku yaalla Bartamaha Boosaaso.

Halka qof kalana laga helay meydkiisa meel ay muqalasiintu ka dhoofiyaan dadka tahriibaya.