Wararkii udanbeeyay ee xaalada Jigjiga iyo Madaxweyne Cabdi M.Cumar ?

Xaalad degenaasho ah ayaa maanta laga soo sheegayaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, kadib dhoowr maalmood oo qalalaase uu halkaa ka taagnaa.

Guud ahaan magaalada wax shaqaaqo ah lagama soo warin, balse waxaa gaabis  ku jira wali isu socodka magaalada.

Dadkii deganaa Jigjiga ayaa inta badan waxa ay ubaxeen gobolada kale ee kilinka shanaad si ay uga baxsadaan dhibaatada sii kordhi karta ee ka taagan magaalada Jigjiga.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shalay ciidanka Federaalka Itoobiya waxa ay ka qabteen magaalada, iyada oo laga cabsi qabo in arintaa owgeed uu  xaalku kasii daro.

 

 

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ay shalay Ciidamada Milatariga Fadaraalka Itoobiya ka kaxaysteen Jigjiga,ayaa wararkii ugu danbeeyay oo ana ka helayno waxay xaqiijinayaan in uu xiran yahay,isla markaana aysan jirin wax wada xaajood ah oo usocda isaga iyo madaxda fadaraalka,