Ardayda Sudan oo si weyn u xusay 20 guurada kasoo wareegtay aas-aaski Puntland

Isku xirka ardayda Puntland ee Sudan ayaa Soo Agaasimay Munaasabad lagu xusayo Aas-aaski Dowladda Puntland, Taaso Ka dhacday Magaalada Khartoum ee Casimadda dalka Sudan.
 
Waxa Kasoo Qayb Galay Dhamaan ardayda Puntland ee Sudan, ardayda Soomaliyeed ee wax ka barata Sudan,madaxda midowga Ardayda Soomaliyeed iyo Dhamaan Qaybaha kala Duwan ee Ururada ka jira Somaliyed ee dalkaSudan.
 
Munaasabadda ayaa Ku Bilaabatay Jawi degan iyadoo ahayd Madal is wada Arag ah dhamaan ardaydu Isugu Hambalyeynayeen Munaasabadda 1AUG.
Damaashaad Balaaran, Heeso Wadani ah, Dhaantooyin iyo Hadalo Dhiiri galin ah ayaa Madasha lagu soo bandhigay..
 
Waxaa lagu doon siiyey bilado iyo koob Dugsiga Shiikh Abdalla Ibraahim Ufayn oo ku gulaystay horyaaalkii kubadda cagta ee loo qabty iskuulada Puntland.
 
Ugu Danbayn-ti Waxay kuso Dhamaatay xafladaas Jawi aad u Degan oo ku Dheehan yahay Jawi Damaashaad iyo Rayrayn Wadaniyadeed Leh.
 
Waxaa Madasha soo afmeeray gudoomiyaha ruuxiga ah ee ardayda Puntland ee dalka Sudan mudane Maxamed Cabdirisaaq Siciid isago u mahad celiyey dhamaan kaso qayb galayaashii Xafladda.
Wuxuu gudoomiyuhu ugu baaqay dhamaan ardayda Puntland midnimo iyo wada jir.
 
Xafiiska warfaafinta iyo wacyi galinta isku xirka ardayda Puntland ee Sudan.
 
Puntlanders in Sudan
 
Alla mahad leh