Khayre oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiir ku xigeenkii arimaha dibada

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada looga joojiyay Wasiir kuxigeenkii Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa dhowaan ku soo oogay Wasiir kuxigeenka dacwad ku saabsan kutagri fal hantida Qaranka, iyadoo Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu sheegay in Maxkamad awood u leh kiiskiisa loo gudbin doono.

Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran ay galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyagoo isku dayay inay xiran Wasiir kuxigeenka, hase ahaatee ku fashilmay, markii uu buuq iyo is mari uu ka dhashay qaabkii ay rabeen in xarunta Wasaaradda ugala soo baxaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku cambaareysay tallaabadaas, kuna tilmaamtay mid sharafka iyo sumacada looga dilayo Wasaaradda, waxaana waxba kama jiraan ka soo qaaday eedeynta Hanti dhowrka iyo Xeer Ilaaliyaha u jeediyeen Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda.