Itoobiya oo qalinka ku duugtay Dhuun shidaal oo soo dhexmari doonta dalkeeda

Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaaya in dalkiisa xarun looga dhigo dhuun shidaal oo la doonaayo in laga soo talaalo Dekadda Casab ee dalka Eritrea.

Heshiiska oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu kala saxiixday in dhuunta shidaalka laga soo talaalo Dekadda Casab xarun looga dhigo Ethiopia.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Imaaraadka carabta u saxiixay Wasiiru-dowlaha iskaashiga Caalamiga Imaaraadka Reem Al Hashimy oo sheegtay inay muhiim tahay in xili hore la dhaqan galiyo Heshiiska.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saldhig Militery ku leh Dekadda Casab oo noqon doonta halka laga soo talaali doono shidaalka.

Waa. Arinkan waa mid ka mid ah danaha waaweyn ee dowladda Imaaaraadka ka leedahay Gobolka Geeska Africa.

Imaaraadka ayaa la rumeysan yahay in door muhiim ah ay ku laheyd wada hadaladdii lagu soo afjaray colaadii 20ka sano u dhaxeysay labada Itoobiya iyo Ertirea

Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in ganacsiga dhanka shidaalka ay soo mariso dalka Eritrea halka ay markii hore kasoo marin jirtay Dekadda Jabuuti.

Xaalada siyaasadeed ee wadanka itoobiya ayaa ah colaado u dhaxeeya Qawmiyado badan oo wada dega wadankaa itoobiya.

markaa waxaa adag sida loogu heshiin lahaa arimaha qayb siga dhaqaalaha. Iyo awooda dawladnimo.

 

 

WD.Amb..Caalim.