Maxaa kasoo baxay shirkii Adis-ababa”.

Shirkii Adis-ababa ee udhaxeeyay Xisbiga dhexe ee talada DDSI haya iyo madaxda Dowlada Fadaraalka Itoobiya.ayaa kusoo idlaaday is afgarad.
 
Qodobada lagu heshiiyay,ayaa kala ah sidatan:-
 
1.Madaxweynaha rasmiga ah ilaa inta laga gaarayo doorashada waa Axmed Cabdi Maxamed.
 
2.Dowlada dhexe oo raaligalin ka bixisay qaabkii lsoo galiyay Ciidamadii khalkhalka galiyay Deegaanka.
 
3.Xisbiga EPRDF oo ku tilmaamay waxba kama jiraan qopndada shidaalka dibna u dhigay ilaa inta ONLF lagala heshiinayo.
 
4.Shacabkii ka barakacay Deegaanka in dib loogu soo celiyo.
 
5.Hantdiii la boobay ama la dhacay in ay iska kaashadaan Dowlada dhexe iyo DDSI dib u gudideeda.
 
6.Ciidamada Liyuu Booliska in dib loogu celiyo goobihii ay dagnaayeen lana kordhiyo tiradooda iyo tayadooda si ay amaanka usugaan.
 
7.Ciidamada Milatariga Fadaraalka in ay 10-casho gudahood uga soo baxaan Deegaanka intii maamulka Deegaanka ka maarmi waayo mooyee.
 
8.Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar oo loo ogolaado in uu saxaafada la hadlo,isla markaana xil muhiim ah loo magacaabo.
 
9.Muranka Xuduuda ee udhaxeeya Soma lida iyo Oromada oo lasoo afjaro loona saaro arinkaaas Gudi ka kooban maamulada Somalida iyo Oromada,sidoo kale Dowlada dhexe iyo Ciidamada Fadaralku amaanka ay sugaan.
 
10.Degmooyinka cusub ee DDSI in maamul loo dhiso Miisaaniyadana loo kordhiyo.
 
11.Shacabka kala fogaaday ee Itoobiya in dib loo mideeyo. gudo iyo dibad .
 
Qodobadan ayaa umuuqda kuwo si dagan loo maamulay loogana fiirsaday una noqon doona DDSI mid waxtar uleh.sidoo kale heshiiskan waxuu soo afjarayaa xaaladii cakirnayd ee ka jirtay Jigjiga.