Maxaad kala socotaa Nabadoonada heshiiska lasoo galay Alshabaab?

Sadex maalmood ka hor waxaa si qarsoodi ah uga anba baxay Magaalada Gaalkacyo Sadex Nabadoon oo kamid ah Nabadonada beesha Reer Mahad Cumar Maxamuud,kuwaasoo kala ah:-

1.Nabadoon Gaani 
2.Nabadoon Nadiir.
3.Nabadoon Ildheere

Nabadoonadan waxay gaareen sida xogta aan kula soconay Magaalada Muqdisho waxayna ku dageen Hotel Ramaada.

Maalmo kooban kadib waxaa Hotel-kii laga waayay Nabadoonadii sirdoonka Puntland oo il gaar ah kula socday dhaqdhaqaaqa Nabadoonada waxay xog ku helen in ay gaareen Bariire loogana sii gudbiay xarunta ugu weyn Alshabaab ee Jilib.

Nabadoonadan waxaa horgal u ahaa oo kaxeeyay Aadan Cabdisalaan oo ah ganacsade hanti fara badan ku leh Muqdisho iyo Puntland,sidoo kale xiriir fiican la leh Alshabaab.

Ujeedka Nabadoonadan,ayaa ah in ay wada hadal la galaan Alshabaab si dilalka iyo qaraxyada qorshaysan ee ay ka fuliyaan Alshabaab Magaalada gaalkacyo looga joojiyo.

Sida xogta lagu helayo Alshabaab waxay hordhigeen Nabadoonada dhawr qodob oo ay tahay in ay fuliyaan ka hor intaan loo samayn balanqaadka ah in laga joojinayo dilalka.

Qodobada Alshabaab ay ku xireen Nabadoonada,ayaa kala ah:-

1.In ay amaangaliyaan islaamka oo uu dhexmari karo,(kuwaasoo ay ula jeedaan maleeshiyaadka Alshabaab.).

2.In ay bixiyaan waxa ay ugu yeeraan Alshabaab Sakaatka.

3.In aysan ukala hiilin Dowlada Puntland iyo islaamka.

4.In ay qayb ka qaataan ku fidida Islaamka ee Mudug.(taasoo ay ula jeedaan in Alshabaab si buuxda gacanta ugu dhigo Puntland).

Sida xogta lagu helayo Nabadoonadu dhamaan qodobadaas waa aqbaleen waana saxiixeen.

Talaabada Odoyaashan ay qaadeen ayaa ah mid ku csuub Puntland iyo gaar ahaan Gobolka Mudug,iyadoo ay tahay mid muujinaysa fulaynimo,jileec iyo qadiyad xumo kusoo korortay bulshada Puntland.

Dowlada Puntland iyo laamaheeda amaanka xogtan si buuxda ayay ula socdaan,balse waxaa muhiim ah in shacabka Puntland ay ka feejignaadaan talaabada Odoyaashaas kana hortagaan,isla markaana difaacdaan sharaftooda iyo jiritaankooda sidii caadada u ahayd.

 

Jibril Qoobey.