Qarax xoog leh oo ka dhacay Deegaanka Oromada Ee dalka Itoobiya

Wararka laga helayo gudaha Deegaanka Oromada ,ayaa sheegaya in uu qarax xoog leh ka dhacay Magaalada Shashabane.
 
Qaraxan,ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay Gaari laguna weeraray isku soo bax aad ubalaarnaa oo lagu soo dhawaynayay abaabulihii kacdoonka Oromada Jawhar Maxamed .
 
isku soo baxaan,ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee magaalada shashabane,basle saacd kaidb markii Jowhar Maxamed bilaabay khudbadisii,ayaa halmar waxaa la maqlay qarax xoog leh.
 
Wararka laga helayo Deegaanka waxay sheegayaan in qaraxaas uu ka dhshay khasaare oog leg,isla markaana ay jiraan dhimasho iyo dhaaawac fara badan.
 
Jawhar Maxamed ayaa ahaa abaabulihii ugu weynaa ee Kacdoonka Oromada,waxuuna gudaha Itoobiya soo galay markii cafis uu usameeyay ra’isalwasaare Abiye Axmed.