Sidee lagu doortay Gudoomiyaha Xisbiga talada DDSI haya Axmed Shide”

Waxaa kasoo baxaya warar kala duwan hanaankii loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga talada haya DDSI Axmed Shide,kaasoo la shaaciyay in maanta shhir uu yeeshay golaha dhexe ee Xisbiga loogu doortay Gudoomiye.

Wararku waxay sheegayaan in Qorshihii loogu yeeray xubnaha xisbiga uu ahaa in loo caga jugleeyo loo hanjabo lana cabsi galiyo kadibna lagu qasbo in ay doortaan Axmed Shide.

Xubnahan ayaa xoriyadii laga qaaday inta ay joogeen adis-ababa.

Wasiirka arrimaha gudaha Federalka itoobiya oo fulinaya qorshihii Abiye axmed ayaa xubnahan dhamaantood ka qaaday taleefanadoodii kadibna waxaa lagu sameeyay dhagaysi waxaana loo sheegay inta ay adis ababa kusugan yihiin in ay baaritaano mari doonaan,iyadoo loogu hanjabay in ay dowlada ka galeen khaladaad dastuuri ah.

Xubnahan oo ahaa maxaabiis inta ay joogeen adis ababa ayaa hanjabaad iyo cabsi galin badan kadib waxay gudoomiyaha xisbiga u doorteen Axmed Shide, wakiilka Oromada ee deegaanka Soomaalida.

Gudoomiyaha la sheegay in la doortay ee Axmed Shide,ayaa kasoo jeedaa beesha Akishe ee ka ah bulshada Deegaanka Boqolkiiba Hal.