Video:-Sharciga maloo siman yahay haday timaado shacabka caadiga ah iyo Dadka saamaynta leh.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisoow oo horay ugu dhawaaqay in dhamaan la banayn doono dhulka danta guud ,ayaan hirgalin amarkaas marka laga saaro dhawr goobood oo dad shacab ah ay daganayaeen.

Nasiib daro ka weyn majirto in Hooyo Somaliyed oo shaah ay karinayso nolol maalmeedka uga soo saaraysa ugu yaraan 5-caruur ah laga burburiyo goobtii ay ku karinaysay shaahaas,iyadoo loo cuskanayo in looga burburinayo danta guud.

Halka Guriga ku dhagan uu leeyahay Xildhibaan,Wasiir ama Ganacsade saamayn leh aan la taaban karin ,taa badalkeedana maamuus loogu daro.

Cadaalada darada ka jirta guud ahaan Somaliya,gaar ahaan Gobolka Banaadir waxay ku tusayasaa in aysan dhawayn dowladnimo iyo nabad dib layskugu soo laabto oo soo bidhaamaysa.hoos akd aawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka