Wasiirkii Warfaafinta oo loo doortay Gudoomiyaha xisbiga talada DDSI hogaamiya

Wasiiirkii Warfaafinta Axmed Shide,ayaa loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga talada Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya hogaamiya.

Axmed waxuu ahaa shaqsi uu markii hore soo xulay una xushay in uu Dowlada Fadaraalka Itoobiya ku matalo Dowlad Deegaanka Madaxweyne cabdi Maxamuud Cumat,balse si fudud ula jaanqaaday nidaamka cusub ee ay Oromadu hogaaminayso,isagoo ahaa sjaqsiyaadkii aadka ugu olalaynayay in uu meesha ka baxo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar sidoo kale lakala diro Ciidamada Liyuu Booliska.

Axmed Shide waxuu badalay oo booskan gudoomiyaha Xisbiga ku fadhiyay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Axmed Shido waxuu kasoo jeedaa beesha Akishe ee ka ah bulshada Deegaanka Boqolkiiba Hal.