Ciidamada Kenya oo markale burburiyay xarun ay leedahay shirkada Hormuud

Ciidamada Kenya ayaa xalay bur buriyay xarun shirkadda Isgaarsiinta hormuud ay ku leedahay Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada ayaa miinooyin ku xiray xarunta shirkadda kadibna waa ay qarxiyeen waxaana burburiyay wixii agab ahaa ee halkaa yiilay.

 

 

Isgaarsiinta deegaanka ayaa weli hawada ka maqan, iyadoo Shacabka halkaas ku nool siin jirtay adeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC Plus oo muhiim u ah nolosha dadka halkaas ku nool.

Waa markii labaad oo ciidamada kenya ay burburnaya xarumo shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay leedahay.