Fadliga maalmaha tobanka ah ee Dulxaj , iyo Maalinta Carafaat

Fadliga maalmaha tobanka ah ee Dulxaj , iyo Maalinta Carafaat
Waa Maal maha loo yaqaan (maalmaha Hooyada cibaadada)
Ilaaheey baa mahad iska leh ..allahaasoo ka yeeley samawaadka iyo inta ku dhex abuuran-ama ku nool adoomaha uu isaga abuurey kana yeeley carshiga xarunta eey malaa,iktu dhawaafto sidoo kale ka yeeley dhulka iyo inta ku dhexnoolba adoomihiisa uu abuurey..uga yeeley kacbada halka eey dhawafaan adoomihiisa ..nabad iyo naxariis nabi maxamed korkiisa allaha ka yeelo ..sidoo kale asxaabtiisa iyo intii isaga raacdey jidkiisa toosan.
kadib:-

Ilaah waxaa uu ka yeeley maal-mihiisa ..maalmo uu si gaar ah uga fadli yeeley maalmaha kale waayo tobanka maalin ee ugu horeeysa bisha dil-xajj ee aanu ku guda jirno baa ah ..maalamaha ilaaheey kuwooda ugu fadli badan uguna kheyrka badan .

Ilaah baa ku dhaar tey maalmahaas oo yiri weynaaye:-{ waxaan ku dhaartey waabariga(dharaarta subax arooryaad) waxaan kaloo ku dhaartey habeenada tobanka ah..waxaan kaloo ku dhaartey shafciga (maalinta tobnaad -malinta gowraca)..waxaan ku dhaartey maalinta witriga(maalinta sagaalaad ee arafo)
eeg aayadda {والفجر وليال عشر والشفع والوتر}
ilaaheey maalmaihiisa waxaa ugu fadli badan maalmahaas tobonka ah ee ugu horeeya dil xajj bisha loo yaqaan…waana maalmaha eey ku kulmaan dhammaan cibaadada ilaaheey sida soomka ..salaadda …zakada ..iyo xajka..waxaana loo yaqaannaa maalamaha hooyada cibaadada.

Waa laba laab cibaadada maalmahaas..waxaa labadiyaa allaahu akbarta…subxaanalaah iyo alxamdudillaahiyeeysiga ..waana lasoomaa soomkana waxaa loo suneeyey dadka aan xijeyda aheyn…laakiin kuwa xajinaaya iyaga looma ogolaan.
waxaa musnadka imaam axmed ku xusan in ibn-cumar uu nabiga naxariis korkiisa ha ahaate uu kasoo wariyey ..in uu yiri:- ما من أيام أعظم عند الله ولا أحب إليه العمل فيهن من هذه الأيام العشر فأكثروا فيهن من التهليل والتكبير والتحميد .
oo ah micnaha
{ ma jiro maalmo ilaahey xagiisa uu ugu jecelyahay ugana weyneesiin badan yahay camal la sameeyo maalamahan tobonka ah gudahood ee badiya allaahiyeeysiga iyo allaahu akbarta iyo al-xamduli laahiyeeysiga }.

waxaa kaloo laga so wariyey ibn cabbaas in nabigu yiri calehi salaatu wassalaam :- { majirto maalmahan maalmo ka fadli badan camal ahaan ..markaasaa nabiga asxaabtii ku yiraahdeen nabi alloow xattaa jihaadka?!! markaasuu yiri nabigii :- xattaa jihaadka dar alle ; uun mooye ninkii inta naftiisa iyo maalkiisa ugu hibeeya jihaadkaas oo aan labadauba ku waaya oon waxba kala so noqon}
‎“مَا مِنْ أيّامٍ الْعَمَلُ الصّالِحُ فيهَا أحَبُّ إلَى الله مِنْ هَذِهِ الأيّامِ يَعْني أيّامَ الْعَشْرِ قالُوا: يَا رَسُولَ الله وَلاَ الْجِهَادُ في سَبِيلِ الله؟ قالَ وَلاَ الْجِهَادُ في سَبِيلِ الله إلاّ رَجُلٌ خَرَجَ بِنَفْسِهِ وَمَالِهِ فَلَمْ يَرْجِعْ مِنْ ذَلِكَ بِشَيْءٍ”.
maalmahaas waxaa ka mid ah maalinta loo yaqaan yowm arafo waana maalinta ugu fadliga badan maalaha ilaaheey oo dhan sida ku xusan ibn xibbaan saxiixiisa uuna soo warinhayo ibn maajid in nabigu yiri caleyhi salaatu wasalaam:-{ أفضل الأيام يوم عرفة}.
oo ah micnaha
{ maalmaha[maalin ahaan] waxaa ugu fadli badan maalinta carafaat }.

maalintaas waa lasoomaa ..ducadana waa la aqbalaa ..malaa,ikta naxariista ayaa ilaaheey soo dajiyaa waana maalinta uu ugu caro badan yahaysheydaanka ..maalinta badar mooyee waxaa layiraahdaa labadaas maalinba sheydaanka waxaa uu ahaa qaracan ..isagoo eey ka muuqatto dulli nimo ..waayo waa labada maalin ee ilaaheey malaa,iktiisa uu soo dajiyo ..badarna jihaadkeey ka qeyb qaadan hayeen oo jibriil baa kala horin hayey sheydaanka maalintaas aad buu u naxey una caroodey ..waayo waa cadowga muslimka iyo islaamka…maalinta yowmul carafaatna saasaa malaa,iktiisa loo so dajiyaa ..laakiin marakani waa kuwa naxariista ..ilaahbaana ku amra in eey naxariis iyo danbidhaaf ilaah u baryaan adoomihiisa muteystey naxariista ee camalka suuban faley ..ee soomay..ee salaadey ..ee sadaqada la baxey ..ee qaarkood misana xajinayaan ….naxariistaa qof walba ilaah ma haleelsiiyo oo kaliya waxaa uu ilaah haleelsiiyaa adoomihiisa suuban ee camalka suuban fala markaas ee raacey nuurka nabiga ee weyneeyey nabigooda ..iyo shicaarkooda islaamka sanadkastaana saa u sooma maalintaas carafaat…kuwooda aan ilaah u kasin in ey xajiyaan…kana faa,iideeysta maalmahaas eey ku kulanto cibaadada ee loo yaqaan maalmaha hooyada cibaadada.

waa maalinta uu ilaah ugu xoreyn naarta badan yahay adoomahiisa…muteystey in naarta laga soo saaro.

waxaa laga wariyey caasho sida ku xusan saxiixul muslimka in nabiga calehi salaatu wassalam yiri :{ : مَا مِنْ يَوْمٍ أَكْثَرَ مِنْ أَنْ يُعْتِقَ اللهُ فِيهِ عَبْدًا مِنَ النَّارِ، مِنْ يَوْمِ عَرَفَةَ.
oo micnaha
{ ma jirto maalin uu ilaah uga naar xoreyn badan yahay adoomihiisa maalintaas -naarta , waa maalinta carafee }.

hadaba mowtida ayaa mudan in loo aqriyo qur,aanka ..sadaqadna loo baxsho..qabuurahana la badiyo booqashadooda ilaahna loo baryo in ilaah ku daro kuwaas kuwii ilaah ka dhigo in ilaah naarta ka xoreeyo …waayo hadii uu ilaah u qorey in uu ku daro in eey naarta ka xobaan azal ahaan waa eey noqon kuwo ilaah ka xoreeya naarta.

Sida ku xusan saxiixul muslimka waxaa ku xusan in abii qattaadah al-ansaari uu nabiga weydiiyey soomka maalinta caashuuraa sababta loo soomo?!!
markaana uu nabiga saatan yiri nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee:-{ يُكَفِّرُ السَّنَةَ الْمَاضِيَةَ وَالْبَاقِيَةَ”.
oo ah micnaha..
{ qofka waxaa loo dhaafaa danbiga sanadkii tagey iyo kan soo socda intaba}.

Waxaa loo yaqaannaa maalinta carafaat maalinta labada ciidood waayo waxaa ku kulmey maalin jimca aheyd iyo maalin ciid carafo ku soo aadey goortuu nabiga kula dar-daarmahayey muslimiinta buurta caraaf qudbadiisii ugu danbeysey..ee sanadkaas xaj ahaan [ qudbada banka carafaat] ee eey so dagatey aayaddaan
‎[اليَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلَامَ دِينًا] {المائدة:3}.
oo ah micnaha .
{ Maantaan diintiina la idiin dhameystirey..iyo nimcadeydaba oo aan raali ka noqdey oon idiin doorbidey in islaamu idiin noqdo diin }.

laakiin nasiib darro dadbaa u qaatta in aayadaan eey aheyd aayaddii qur,aanka ugu danbeeysey ee so dagata …arinka saa maahan waxaa ka danbeeyey aayadaha ribada ka hadlaaya ..laakiin micnuhu waa in eey dhameystirantey mabaa,diidii guud ee diintayada maalintaas.

maalinta aayadaas eey soo dagatey goobtu waxaa eey aheyd banka carafaat..maalintuna jimce saasaana loo yiri maalinta labada ciidood.
Ilaah ha innagu anfaco ..ilaah ha inaga yeelo kuwii sooma maalintaas ..kheyrkana ilaah la maago naxariistaas soo daganeeysa iyo malaa,iktaasba naxariista xanbaarsan ba ilaah inala kulmiyo …ilaahoow ha inaga yeelin kuwo caqiidadooda qaldanta oo u qaatta in ilaah laf ahaantiisa soo dagto marna kor aada..ilaahoow caqiidaddaas qaldan umaddayada ka najee ….ilaahoow inaga yeel kuwii garta xaqa uu ilaah ku leeyahay kaasoo eey ugu weyn tahay garashada ilaahooda in uu yahay mid aan jirin ekaan kiisa oo kale ilaahoow aqbal ducadayada ..ilaahoow aqbal ducada yada aamiin.

nabigu waxaa uu yiri nabad iyo naxariis korkiisa allaha ka yeelee :- duco waxaa ugu fadli badan tan l;a duceystaa maalinta carafaat ..wax aan irina buu yiri waxaa ugu fadli badan kaan iri oo eey horey u yiraahdeen nabiyadii aniga iga horeeye kaasoo ah [ ilaah majiro aan aheyn ilaaha midka ah ee xaqa loo caabudo ..kaasoo mid ah waxna aan lala wadaajin karin….}…waana kan naska .
‎أَفْضَلُ الدُّعَاءِ دُعَاءُ يَوْمِ عَرَفَةَ، وَأَفْضَلُ مَا قُلْتُ أَنَا والنَّبِيُّونَ مِنْ قَبْلِى لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَحْدَهُ لاَ شَرِيكَ لَهُ”
Ilaah ducayada ha aqbalo aamiin!!.
Waxaa soo aqriyey ,tarjumay ,is kusoo daba riday .
Ustaad/ Osman Said Hersi
Columbus/Ohio State /USA